Ugu yaraan 22 qof ayaa ku dhintay dooni siday dad tahriib ah oo kusii jeeday dalka Australia, doonidan ayaa ku degtay xeebaha jasiirada JAVA ee dalka Indonesia, in ka badan 30 qof ayaa weli la la'a yahay.

Doonidan ayaa degtay xili wadanka Australia oo uu soo rogay sharciyo cusub oo uu dib ugu celinayo dadka qaxootinimada usoo aaday wadankaasi oo dhawaan awooda la wareegay xisbiga garabka midig.

Musiibadan ayaa kusoo beegmaysa xili dhawaan la filayo inuu safarkiisii ugu horeeyey dalka Indonesia ku yimaado Raysalwasaaraha cusub ee Australia Tony Abbott oo maalinta beri ah (Isniin)imaan doona wadanka Indonesia.

Raysalwasaare Abbott ayaa lagu eedeeyaa siyaasadiisa adag ee ku aadan dadka magan-gelyo doonka ah ee doonyaha ku yimaada wadanka Australia.

Keep reading...